Deg Deg:Magaalada Muqdisho oo daqiiqado ka hor uu ka dhacay Dil loo gaystay Wiil Dhalinyaro ah.

War Goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidanka dowladda degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir uu ku dilay Wiil la sheegay in uu dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas,isla markaana waxa loo geystay Wiilka dhalinyarada ahaa,waxaana rasaas ku dhuftay askari ka tirsan Ciidanka dowladda.


Warar aan helnay ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Suldaan Ismaaciil Shuu,isagoona kamid ahaa dhalinyrada sida weyn looga yaqaanay gudaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay waxana halkaasi ka qaadeen Meydka Wiilka,isla markaana goobta si deg deg ah uga baxsaday Askarigii ka dambeeyay falkaas.

Ilaa iyo hada lama oga Sababta loo dilay Wiilka dhalinyarada ahaa,hayeeshee dilkan ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay Magaalada Muqdisho.

Let’s block ads! (Why?)