DEG DEG:-Qarax Ismaadiin ah oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

War goor dhow inaga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

Qaraxaasi ayaa ahaa mid ismiidaamin ah kaas ruux waxyaabaha qarxa isku soo uu isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo oo ku taala bartamaha magaaladaasi.

Goobtaasi ayaa waxaa ku sugnaa dad badan oo shacab ah, lamana xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah oo qaraxaasi geystay.

Goobta waxaa soo gaarey mas’uuliyiin iyo saraakiisha ammaanka ayaa isweyn loo adkeeyey waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay isbitalka magaaladaasi

Let’s block ads! (Why?)