Deg Deg.Dagaal Dib Uga Qarxay Deegaanka Tukaraq

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ayaa caawa ka dhacay jiida horre ee deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool,halkaas oo tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan ay isku hor-fadhiyaan ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo aysan jirin ilaa hadda warbixin ka soo baxday maamullada, goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta in dagaalka uu hadda istaagay wallow xaaladdu ay wali tahay mid adag,sida uu yiri goobjoogaha.

Ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa dhowr mar ku dagaallamey deegaanka oo horraantii sanadkan ay ciidammo ka tirsan Soomaaliland kala wareegeen kuwa Puntland.

Iska Hor imaadkan deegaanka,Tukaraq Ayaa Imaanaya xilli uu booqasho ku tagey wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya magaalada Hargeysa, waxa uu sidoo kale shalay booqday Garoowe, isagoo hoggaamiyayaasha labada dhinac kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaadda deegaanka Tukaraq.

 

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

[email protected]        

[email protected]

TELL:25290-7647333/25267150440 

 

Email [email protected] 

TELL:252617678096

Let’s block ads! (Why?)