Dawladda Puntland oo ka Tacsiyeynaysaa Geerida ku timid Soddohda madaxweyne Farmaajo

Hooyo Bishaaro Aadan Yuusuf oo ah soddohda madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana dhashay marwada madaxweynaha Saynab Cabdi Macalin ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah kuwa maamul-goboleedyada ayaa siyaabo kala duwan uaga tacsiyeeyay geerida marxuumad Bishaaro Aadan Yuusuf, waxaana madaxda ka tacsiyadeysay ee dhambaalka tacsida soo gaarsiiyay warbaahinta calanka madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Sida ayay u dhigneyd dhambaalkiis atacsida:

Dawladda Puntland waxay ka Tacsiyeynaysaa Geerida ku timid Qoyska Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gaar ahaan Geerida ku timid Marwo. Saynab Cabdi Macalin oo ay geeriyootay Hooyadeed,Hooyo Bishaaro Aadan Yuusuf oo maanta ku geeriyootay Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Marwo Saynab Cabdi Macalin, wuxuuna Allaah uga baryey inuu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo Hooyo Bishaaro Aadan Yuusuf, uuna daris uga dhigo Suubbanihii Rasuulkeennii CSW

Let’s block ads! (Why?)