Dawladda Masar oo dooneyso Iney saldhig milatari ka furato Soomaaliya

Dawladda Masar oo dooneyso inay xerooyin Milateri ka furato magaalooyinka Buulo Burte iyo Jalalaqsi ee dhulweynaha Hiiraan State. Saraakiil ka tirsan ciidamada gaarka ah u tababaran ee wadanka Masar ayaa magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burte si weyn u calaamadeystay xilli Itoobiyaanka jooga Hiiraan ay welwel weyn ka lasoo diristay.

Dawlada Masar ayaa saraakiishaan ay soo dirtay waxay fiiriyeen qaabka ciidamadooda loo soo dejin karo Hiiraan iyagoo booqasho ay la socdeen wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ku tegay Buulo Burte iyo Jalalaqsi. Sidoo kale dawlada Masar ayaa dooneyso xoolaha iyo beeraha ku yaala Hiiraan oo horay ay u daneynaysay iyadoo wefdi ganacsato u soo dirtay in door weyn ka ciyaarto sidii xiriirka ganacsi ee Hiiraan iyo Masar loo xoojin lahaa.

xigasho: Hiiraan State

Let’s block ads! (Why?)