Dagaal mar kale maanta ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Sh/Hoose.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhintay, halka tiro intaas ka badan ay dhaawaacmeen, kadib markii ciidamada degaanka Lafoole iyo kuwa NISA ay ku dagaalameen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii maalin ka hor uu degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ka dhacay dagaal culus.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in sababta la isku hayo ay tahay gacan ku heynta degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Xiisad ayaa weli ka taagan deegaanka Ceelasha biyaha, kaasi oo u dhexeeya ciidamada NISA iyo kuwa deegaanka

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose

Let’s block ads! (Why?)