Dagaal ka dhacay Mudug oo tiro dad ah ay ku dhinteen

Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal gobolka Mudug ku dhexmaray dad xoolo dhaqato ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Gacma-Fale ee duleedka magaaladda Gaalkacyo, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay sedex ruux ayaa geeriyootay halka tiro intaas ka badana ay dhaawacmeen, dhamaan dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa ahaa dhinacyadii dagaalamayay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dagaalamaya ay isku haystaan arimo la xariira dhul daaqsineed iyo aanooyin qabiil.

Ugu dambeyntii, Maamuladda Puntland iyo Galmudug wali kama aysan hadlin dagaalkan ka dhacay miyiga Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in wali maleeshiyo beeleedkku is-horfadhiyaan.

Posted by
on Jul 11 2017. Filed under Wararka .
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 .
You can leave a response or trackback to this entry

Let’s block ads! (Why?)