Dagaal Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose

Wararka laga helaayo Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa Degmada Qoryooley iyo Degaanka Danow ayaa sheegaya in maanta uu dgaal ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.


Dagaalku ayaa ahaa mid mudo kooban socday,iyadoo ay labada dhinac isu adeegsadeen dagaalkaasi hub culus, iyadoo labada dhinac la soo sheegayo Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab uu kala gaaray Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.
Dhanka kale dadka deegaankaasi ayaa soo sheegaya inay arkeen Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM oo Khasaare la gaarsiiyay iyo Meydadka tiro ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo goobtaasi tiil.

Let’s block ads! (Why?)