Dadka Kenya Oo Walaac Ka Muujiyay Weeraro Dhici Kara Waqtiga Doorashada Iyo Al Shabaab Oo War Kasoo Saartay

Guud ahaan shacabka dalka Kenya ayaa muujinaya walaac la xiriira ammaanka xilliga ay dhaceyso Doorashada guud ee dalka Kenya, taasi oo ay ka harsan tahay maalmo kooban.

Degmada kaamakuji oo xaafada Islii ay ka tirsan tahay ayaa ka mid ah meelaha dadka ay hadal hayaan sida uu xaalka noqon karo inta lagu guda jiro Doorashada iyo kadiba.

Xildhibaanka laga soo doorto  degmada kaamakuji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa shacabka Kenya ugu laab qaboojiyay in ay isdejiyaan oo aysan muujin wax walaac ah oo la xiriira ammaankooda.

Dalka Kenya ayaa hada waxaa si aad ah looga dareemayaa ololaha musharaxiinta kala duwan, waxaana ololaha Doorashada uu ku egyahay 6-da bishan August, hal maalin oo nasasho ah kadib ayaa loo dareeri doonaa Doorashada guud maalinta Talaadada ah ee soo aadan.

Madaxa Al-Shabaab ee dalka Kenya u qaabilsan Sheekh Axmed Iman Cali oo la hadlay Warbaahinta Ururka Al-Shabaab, ayaa wuxuu sheegay shacabka dalka Kenya inay uga digayaan in ay ka qayb galaan doorashada Madaxtinimada Kenya, wuxuuna xilliga Doorashada in ay weeraro ka geysan doonaan dalkaasi.

Let’s block ads! (Why?)