Dacwadii Badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale dib loo dhigay.

Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay.

Warka ka soo baxay ICJ ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigo kiiska ilaa June 8- 12, 2020. Iyadoo Maxkamadda go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada,Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

Danjire Ali Faqi ayaa bartiisa xiriirka bulshada ku xaqiijiyay warkaan.

Kenya ayaa marar badan sameysay isku dayo ay ku baajineyso Maxkamadda iyadoo dooneysa in si hoose ay labada wadan u xaliyaan kiiska.

Let’s block ads! (Why?)