Dab Caawa ka kacay suuqa wayn ee Bakaaraha.

Muqdisho:-Waxaa goordhow Dab xooggan uu ka kacay Bartamaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ololka Dabkaasi Caasimadda oo idil laga arkaayay.

Dadka ku dhow hareeraha Suuqaasi ayaa warbaahinta u sheegay in dabka xoogeysa uu ka socda meesha loo yaqaano Huudheyda oo ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Khasaare ayaa la soo sheegayaa in dabkaasi uu ka dhashay , waxaana ku bur buray hanti fara badan, waxaana hada soconaya gurmad, kaasi oo ku aadan sidii dabkaasi loo damin lahaa.

Dhanka kale Maaamulka Degmada Howlwadaaga ayaa ku sugan goobta uu dabka ka socda, kuwaasi oo ku dadaalaya sidii loo yarayn lahaa khasaaraha dabkaasi ka dhalan kara.

Let’s block ads! (Why?)