C/Weli Gaas “Waa in laga hortago khatarta Kooxda Daacish oo ku sii xoogaysanaysa Soomaaliya..”

C/Weli Maxamad Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maanta ka qeyb galay kulanka xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish, isagoo sheegay inay muhiim tahay in laga hortago khatarta kooxda Daacish oo uu sheegay inay ku sii xoogeysaneyso gudaha Soomaaliya.


Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay ka halis badan tahay Daacisha oo hadda ku sugan deegaano ka tirsan Puntland.

Mr. Gaas ayaa ku baaqay in dagaalka Al-Shabaab kaliya aan xooga la saarin ee loo baahan yahay in laga hortago khatarta garabka Daacish ee ku sugan Soomaaliya.

Let’s block ads! (Why?)