Cunug yar oo laga xaday Gudaha Cisbitaalka SOS oo dib loo helay

Qoys canug yar looga xaday Cisbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho galabtii Jimcaha aheyd ee na dhaaftay ayay Ehelada Cunugaasi yar waxay u xaqiijiyeen saxaafadda inay dib u heleen Cunuga laga xaday.

Cunugan oo laga hayay xaafad ku taal degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa sheegay qoysas deris la ahaa cida Cunuga soo xaday, iyagoo la xariiray kuna war galiyay meesha lagu heysto cidii laga soo xaday.

Ciidanka Booliska oo lagu war galiyay halka cunuga lagu hayay ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan Haweenay la sheegay inay xaday Cunuga yar iyo dad kale oo Guriga kula sugnaa.

Dhanka kale ilaa sedax ruux oo loo soo qabtay falkaas ayaa lagu wareejiyay Hey’adda dembi baarista ee CID-da, Cunuga yar oo la sheegay inuu Caafimaad qabay ayaa dib loogu celiyay Qoyskii laga soo xaday markii hore.

Let’s block ads! (Why?)