Cilmi baaris lagu sameeyay Qurba Joogta!!!.

Cilmi baaris isagu jirto dhiig laga qaaday 100 Qof oo Qurba joog ah iyo Su’aalo la weeydiiyay ayaa lagu sameeyay Qurba Joogta somalida, si Jawaab loogu helo 2 su’aalood.

1- Maxaa Qurba Joogta Qabka u diiday?

Qab diineed, mid Dadeed iyo mid Daleed oo Somalida lagu yaqiin. Ma qaxootinimadaa saameysay, ma Qurba Ku daahidaa?, Ma Qorshe lagu Qab dilayay ayaa jiray?, Ma quudka la siiyeey qoonsadeen, Ma Qabkeeynan fahmin?, Ma qaali dhiigii somalidaa la qasay?

2- Majority rules Minority.

Democrasiyada Reer galbeedka ayaa sheegee in inta badan ey xakunto inta yar. Qurba Joogtu waa Laf gaab marka loo fiiriyo Qorax Joogta. Sideey ugu suura gashay inta yari in ey xakunto inta badan? Yaa gacan Ku siiyay? Dimoqaraadiyadaasi ma sii socon karta?

Weli jawaabtii Cilmi baaristu sooma bixin.

sidee loo Soo celiyaa Qabkii Somalinimo ee inta badan walaalaheena Qurba Joogta ah iyo Doorkii Qorax Joogta?

Adiga, maxeey kula tahay in ey Ka Soo bixi doonto Cilmi baarista?

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)