Ciidanka amniga oo fashiliyay qarax lagu aasay Hodan

Ciidamada ammaanka ee DFS oo howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan qarax Miino ah oo lagu aasay gudaha degmadaasi.

War ka soo baxay Hay’adda Nabad sugidd iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayna soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitterka ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan Miinadaasi oo ku aasnayd xaafadda KPP ee degmaad Hodan.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen Ciidanka Booliska iyo Nabadsugidda, kuwaasi oo gacan ka helaya shacabka Muqdisho.

Halkan hoose ka Akhriso:-

Let’s block ads! (Why?)