Ciidamo Mareekan & Soomaali ah oo la Wareegay Garoonka Galkacyo

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidankii qabsaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug iyadoona lasoo sheegayo in Xaaladu ay hadda tahay mid deggan.

Xalay Maqribkii ayaa Ciidanka DANAB Ee Dawlada Soomaaliya waxay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka DANAB ee gaaray Gaalkacyo Xasan Abuukar Cali oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay inay been abuur tahay Ciidankooda inay qabsadeen Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Taliye Abuukar waxa uu sheegay in Howlgal gaar ah u tageen Magaaladaasi oo aysan jirin dhib kale ay u socdeen.