CIIDAMO KA GADOODSAN MUSHAHAR LA’AAN OO XIRTAY DEGMADA CARMO

Ciidanka daraawiishta qaybtiisa guuto bari puntland oo ka gadooday mushahar la’aan ayaa shalay galab goostay wadada laamiga .

Dadweynaha magaalada carmo ee gobalka bari ayaa ku waaberiistay ciidan hubaysan oo gaadiidka dawlada celinaya kuna amraya in aysan isticmaali karin laamiga u baxa garoowe ilaa galkacyo halka ay shacabka birta ja qaadayeen .

Ciidamadaan ayaa ka cabanaaya mushaar iyo xuquuq ka maqan in aanan la siinin afar bilood, waxayna taasi keentay saaka inay xirtaan wadada oo ay u diidaan isticmaalka gadiidka xukuumada puntland .

Madaxda Ciidamada ayaanan wali arrintaan ka hadlin, maadaama Mushaar aysan u haynin ciidanka islamarkaana muddo ay ku maawelinayeen in la heli doono Mushaarka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid cabdullahi (Dani) ayaa ku fashilmay bixinta Mushaaraadka Ciidamada, isagoo hadda dalka dibada uga maqan ,mar aan la xiriiray siyaasiyiin xaalka puntland ka war haysa waxay ii shegeen in lacagihii mudooyinkaaba la xanibay loona xanibay kooxda aaran-raan oo siciid dani ku bixisay lacago badan xiliguu musharaxa ahaa ilaa ay lasoo noqdaan lacagtoodana uu wareerkaa mushahar la’aanta ciidanku ku jiri doonaan .

Inta badan Ciidamada Puntland, ayaa ka gadooda Mushaaraadkii ciidanka oo aanan la siinin muddo, taasi oo keenta inay xirtaan wadooyinka qaar ee magaalooyinka waaweyn.

Let’s block ads! (Why?)