Ciidamo Boolis Ah Oo Loo Xir Xiray Musuq-Maasuq

Sarreeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in 23 Askari loo soo xiray falal Musuq-maasuq oo abuuri kara dhibaatooyin amni daro.

Zakiyo ayaa sheegay in askarta la xiray ay lacago laaluush ka qaadanayeen dadka rayidka ah, islamarkaana xogtaasi ay ka heleen shacabka.

Sidoo kale taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday qeybahala kala duwan ee bulshda ku dhaqan M/Muqdisho in ay muujiyaan dulqaad inta uu socda qorshaha cusub iyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli si weyn loo xoojiyay ammaanka magaalada Muqdisho, islamarkaana uu socdo howlgal lagu sugayo amniga guud ee gobolka Banaadir, si looga hortago weerarada ay soo abaabulaan Al Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)