Ciidammada Kenya oo dad rayid ah ku qasbay inay bulaacad ku dabbaashaan

Qaar kamid ah shacabka Kenyaanka ee isticmaala barta Twitter-ka ayaa caro ka muujiyay war uu baahiyay wargeyska The Standard oo ah in ciidammada Kenya ay tacaddiyo u geysteen shacabka ku nool gobolka xeebta gaar ahaan magaalada Mombasa xilli Kenya ay u daabaaldageysay maalinta halyeeyada dalkaas.

Waxaa si weyn amniga magaalo xeebeedka Mombasa xilli halkaas uu munaasabadda dadweynaha kala qeybgalayay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Wargeyska wuxuu ku warramaya in dadka qaar lagu qasbay inay ku dabbaashaan bulaacada halka qaar kalena lagu qasbay inay ku galaangashaan dhoobo.

Halka qaar kamid shacabka aysan guryahooda kasoo bixin maadama ay ka baqeen ciidammada.

Ciidammada Kenya kama aysan hadlin eedeymahan loo jeediyay.

Nin 23 jir ah oo magaciisa ku sheegay Chikore ayaa wargeyska uu sheegay in isaga uu sii jeedo fagaarihii ay munaasabadda ka dhaceysay ay horjoogsadeen ciidammada isla markaasna ay ku qasbeen in uu ku dabbaasho bulaacad ay biyo wasakh ah qulqulaayaan.

Let’s block ads! (Why?)