Ciidamada Somaliland oo la wareegay Tuuladda Tukaraq

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo Hubeysan oo ka tirsan maamulka Soomaliland in ay saakay la wareegeen tuulada Tukaraq oo 86KM u jirta magaalada Garowe.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Tuuladda Saakay Arootii uu ka dhacay dagaal Kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo Puntland, islamarkaana ugu dambeyntii ay qabsadeen ciidamada Somaliland.

Tukaraq ayaa hoos timaada degmada Laascaanood, waxayna ahayd meel ay isku hor fadhiyeen ciidanka Somailand iyo Puntland.

Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland ayaa Ciidamo badan u diray degaanka ay qabsadeen Ciidanka Somaliland oo aheyd Meel ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland.

Let’s block ads! (Why?)