Ciidamada Kenya oo Magaalada Nairobi ku xiray Dr Bursaliid iyo Rag kale oo Soomaali ah.

Muqdisho:-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xariga loo geystay rag uu ka mid yahay Dr Bursaliid oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, kaasi oo lagu xiray magaalada Nairobi.

Wararku waxay sheegayaan in xariga Dr Ibraahim Bursiid uu la xiriiro shir ay shalay ku yeesheen magaalada Nairobi kaas oo ay ku furanayeen Xisbi Siyaasadeed oo cusub (Maandeeq Party) isaga iyo Siyaasiin kale, waxaana la sheegay in shirkaasi aysan oggalaabsho u haysanin.

Dr Bursaliid ayaa lala xiray afar nin oo kale oo Soomaali ah kuwaas oo ay Xisbiga wada furanayeen, magacyada qaar ka mid ah ragga lala xiray ayaa lagu kala sheegay, Cali Cabdi Maxamed, Geelle Diiriye iyo nin magaciisa lagu soo koobay Xuseen, inkastoo ilaa iyo hada la helin magacyada xubnaha kale.

Dhanka kale wararka qaar oo aan ka helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in xariga Bursaliid iyo raggaan kale uusan la xiriirin arrinta siyaasadda labada Wadan.

Let’s block ads! (Why?)