Ciidamada Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigtay Hub Kusii Jeeday Kooxda Al-shabaab

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen agab ciidan iyo rasaas la sheegay in loo waday Al Shabaab, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Galmudug ee kusugan magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada amaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay rasaastaasi la sheegay inay u socotay Al Shabaab, waxaana lagu qabtay gaari Homey ah.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in hubkaan uu saarnaa gaari Caasi ah oo ka yimid dhanka Gobolka Bari uuna ku siijeeday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayna gacanta ku hayaan hubkii iyo gaarigii uu saarnaa.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan wadaha gaariga caasiga ah ee oo ka yimid dhanka gobolka Bari, waxaana la ogeyn halka uu u socday gaariga hubka waday.

Saraakiisha ciidamada amaanka iyo taliska Nabad Sugidda ayaa sheegay in dhawaan ay xog badan ka bixin doonaan gaariga ay qabteen iyo halka uu ku wajahnaa

Let’s block ads! (Why?)