Ciidamada Dowladda oo Howlgalo baaritaano ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degamada Hodan.

Muqdisho- Howlglo Baaritaan ayay Ciidamada Booliska Soomaliya maanta waxay ka sameeyeen Xaafada Suuqa Caanaha degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Baaritaanka Ciidamada mudadii uu socday ayaa Ciidamada Ammaanka waxay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro badan,iyadoo sababta Baaritaanka ayaa lagu sheegay kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay ku soo kordheen Magaalada Muqdisho dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayidka ah.

Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku aadan Howlgalkaasi.

Let’s block ads! (Why?)