Ciidamada Dowladda oo Dhaq Dhaqaaqyo Ka Socda Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo ka socda deegano.

Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana shacabka halkaaasi kunool ay u tegi doonaan.

Let’s block ads! (Why?)