Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaabkii ugu badnaa ku dilay Dagaal ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgal Qorsheysan oo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Ammaanka ay ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe gaar ahaan Xaruntii Qaraxyada Al-Shabaab lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana lagu burburiyay Xarumahaasi.


Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Weeraro Qorsheysan oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay illaa 81 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana la burburiyay Xaruntii Al-shabaab Ee Qaraxyada.
“Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay khasaaro xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Let’s block ads! (Why?)