Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Degmada Maxaas (Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay).

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan duleedka degmada Maxaas ayaa sheegaya in dagaal uu halkaasi ka dhexmaray Ciidamo Maleeshiyaad ah iyo kuwa Al-Shabaab, kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeen Ciidan fariisin ku lahaa duleedka magaalada.

Dagaalka ayaa la sheegay in shabaab ay ku dileen 5-Askari oo ahaa Maleeahiyo deegaanka, waxaana kadib u soo gurmaday Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in mar kale dagaalka ka dhacay duleedka magaalada waxaana dagaalkaasi dhaxmaray Shabaab iyo Ciidamada Soomaaliya.

Dhanka kale Sarkaal ka mid Ciidamada Dowladda ayaa saxaafadda u sheegay inay dagaalka kaga dhimatay 2 Askari, Shabaabna ay ka dileen in kabadan 10-Shabaab ah.

Let’s block ads! (Why?)