Ciidamada AMISOM oo ka cabanaaya Mushaar la’aan soo food saartay.

Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF ee jooga Somalia ayaa la sheegay in aysan wax mushaar ah qaadanin muddo 7 bilood ah.

Wadarta Guud ee Lacagta ka maqan Ciiddankaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay dhan tahay 52 Billion ee Shillinka Uganda.

Sababaha ay u la’ yihiin Mushaarkooda weli kama aysan hadlin Wasaaradda Difaaca Uganda, balse, Maamulka Wargeyska New Vision waxay ballan qaadeen inay bidhaamin doonaan gundhiga sababay mushaar la’aanta ciiddankaasi.

Dhanka kale ma ahan markii ugu horaysay oo Ciidamada Amisom ay ka cowdaan mushaar la’aan.

Let’s block ads! (Why?)