Cadaado oo lagu qabtay Gaadiid badan oo laga shakisan yahay inay Hubsidaan

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in 6-Gaari oo Nuuca Xamuulka Qaada lagu qabtay kontoroolka Koofureed ee Magaaladaasi.

Gaadiidkan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Waxaana la tilmaamay in gaadiidka ay saaran yihiin Hub iyo agab kale sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka ee Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidka laga shakinsan yahay, islamarkaana ay saaran yihiin waxyaabaha Qarxa.

Taliska Booliska Degmada Cadaado  ayaa Sheegay in inaysan Ogayn Waxyaabaha Saaran Gawaarida la qabtay, iyadoona la sheegay in ragii waday gaadiidka ay diideen in la baaro waxyaabaha saaran gaadiidka.

Ilaa iyo hada Lama oga Halka ay u socdeen Gaadiidka Xamuulka Ee Tiradoodu ay Gaarayso Lixda Gaari, kuwaasi oo ka yimid  Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

[email protected]        

[email protected]

TELL:25290-7647333/252617150440 

 Email [email protected] 

TELL:25261767809

Let’s block ads! (Why?)