Cabdiweli Gaas oo Cadeeyey Lugooyada Itoobiya & Kenya ku Hayaan Soomaaliya

Cabdiweli Gaas, Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay sida Dalalka Deriska ay caqabad ugu yihiin Nabad ka islaaxda Soomaaliya waxaana Gaas uu sheegay in Waddamada Saaxibada la ah Soomaaliya ee Deriska ay ka faa’iideysanayaan dhibka iyo dawlad la’aanta jirta.

Madaxweynaha Puntland waxa uu hoosta ka xariiqay in Dawladnimo Adag oo loo dhan yahay ay ku xiran tahay Soomaalida oo isku tashataa islamarkaana usoo jeesato inay noqoto Waddan isku xiran oo Nabad doonaya.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale mar la weydiiyey inuu murashax yahay Sanadkaan waxa uu sheegay inuusan ka qeyb geli doonin doorasada Soomaaliya maadama uu yahay Hogaamiyaha Puntland.