Beentii Shalay iyo baraaruga maanta.

Nin odaya ayaa waxaa la yidhi wuxuu arkay dadkii degaankiisa oo duufsaday nin wadaad sheeganaya. Ninka odayga ahi ma ahayn isagu nin diinta aad u yaqaan, wuxuuse Eebbe siiyey garaad iyo garasho xeeldheer. Garashadu waa middii bartey nebi Ibraahim (NNKH) inuusan addoon u noqonin dhagaxaan ay iyagu gacmahooda ku sameysteen. Garashadu waa middii bartey nebi Muxammed (NNKH) inuusan addoon u noqonin wixii tolkii Eebbayaasha ka dhigteen ee uu godka u galay ilaa hanuunkii Rabi uga yimid.

Odaygii garashada lahaa wuxuu yidhi: Ninkan dhaqan wadaad iigama muuqdee, iska hubiya. Dadkii baa ku kacay oo qaylodhaan iyo weerar kala hor yimid, wuxuuna ku yidhi: “Markuu haweenkiina hungureeyo ee uu hablihiinna idiin weydaartaad ogaan doontaan!“

Waayo kooban ka dib waxaa dhacday in degmadii beeshu isla olkontey ay qaylodhaantu is gaadhay. Wadaadkii wuxuu noqday wabiin, nin aan waxba ka xishoon. Cabashada haweenkii ayaa is gaadhay, waxaa loo tegay garaadkii waxaana lagu yidhi; “maxaad ku aragtay wadaadka waagaad nooga digeysay?.

Wuxuu yidhi saddex hal oo aan diintu oggoleyn laguna aqoon buuniyaasha diinta faafsha ayaan ku arkay:

1. Wadaadku haweenka halkii gacantiisu ka gaadho ayuu kala tiigsanayey, garab ka saaryaa ama dhabarka ka saaryaaba, hadduusan barida iyo hoose u dhaadhicin!

2. Wuu sansanqanayey oo afka iyo indhahaba waa maroorinayey, farruuryihiisuna ma hakaneyn, waana dhaqanka lagu yaqaan ninka hammuun galmoodka qaba (Sexual frustration).

3. Waa qosol badnaa oo hadalkiisa ma ahayn mid muc iyo murti leh, mid miid iyo marin diimeed ku dheehantahay, nin Eebbe yaqaan oo dhamacda naarta ka cabsoonayaa sidaa u ma qoslo.

Dadkii waxay u sheegeen garaadkii, in lagu arkay dhammaan dhaliilaha uu sheegay, waase goor wuxuu bi’in karayey bi’iyey dhaqanxumadiisiina baahday, halkaasa lagu go’aansaday in degaanka laga eryo.

Soomaalida iyo Siyaasiga

Siyaasiga carra edeg waxaa dadka lagu xushaa laguna taageera, waxqabadkiisa, kartidiisa, hufnaantiisa iyo hawlkarnimadiisa muuqata, haddaba bulshada Soomaaliyeed waxa ay inta badan ka siman yihiin inay qofki tanag loo garaacaba sacabka ka daba tumaan iyaga oo aan u meel dayin.

Cugashadii Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay bulshada is barteen 1 November 2010 waagaas oo uu madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed u magacaabay Ra’iisalwasaare.

Isla markiiba waxaa ka yimid guux dhinaca baarlamaanka iyo gobollada qaarkood oo iyagu isu waday in nin degaankooda iyo beeshooda ah laga dhigo Ra’iisalwasaare, waxaa kale oo isaguna ka horyimid ka biyo diiday ergaygii qaramada midoobey Soomaalida u fadhiyey Augustine Mahiga. Arrintani waxay dhalisay in dadweynuhu indhaha ku hayaan, waxaana barbar socotey laba arrimood oo uu adeegsaday Farmaajo, hadallo aan ka dhab ahayn oo uu shacabka ku beerlaxawsanayey isagoo had iyo gooraale shisheeyaha halbeegsan jirey sidoo kalena ku celcelin jirey waa in ciidamada xoogga dib loo dhiso.

Maadaama weerar saddex geesood ah, dhinaca guddoonka Baarlamaanka, dhinaca bulshada caalamka iyo dhinaca maamul goboleedka Puntland uu ku foogganaa, wuxuu saaxiib ka dhigtey ciidanki iyo dadkii marasta ahaa isaga oo bandhigyo siyaasadeed sameeyey.

Arrinka koowaad: Farmaajo wuxuu hawlgeliyey koox afmiinshaarro ah oo u sameeya halkudhegyo aan jirin, wuxuuna noqday ninkii koowaad ee si dadban uga faa’iideysta baahida danyarta barakacayaasha ah oo loo qaybin jirey lacago maalin goosad ah si ay ugu bannaan baxaan uguna qayliyaan magaciisa. Arrintan waxay soo jiidatay dad badan oo aan hoos u dareensanayn sida iyo qaabka wax u socdaan.

Arrinta labaad: wuxuu nasiib u helay in intii uu talada hayey uu soo baxay amar odhanayaa ciidamada AMISOM oo ahaa markii hore nabad ilaalin, in laga dhigo NABAD DHALIYAYAAL, oo kaarihii taagnaa uu u dhaqaaqo dhanka furinta, taasoo keentay guul kooban oo ahayd in xaafadaha qaar dib ay u soo gaalaan gacanta dowladda.

Arrinka saddexaad: Wuxuu si habsami leh dhawr bilood u siiyey bil goosadkii (Musharka) Ciidamada iyo shaqaalaha dowladda. Arrintani waxay ahayd mid wanaagsan oo sidoo kale mar labaad soo jiidatay aragtida dadka, haddana maaha mid la odhan karo waa mid ka baxsan xayndaabkii siyaasadeed ee caadiga ahaa, waayo mar walba ciidanku waa cudud aan laga maarmeyn una baahneyd in si mug leh loo haqabtiro baahidooda si dalka nabad iyo deganaanshiiyo loogu soo dabaalo.

Arrinta afraad: Waxaa lagu jujuubey ismaandhaaf siyaasadeed oo soo jiitamey ka dib inuu xilka iskaga dego, arrintan ayaa dadweynuhu waxay u arkeen nin iyaga waxtarkooda wada oo loo diiddan yahay, waana midda keentay in taageero badan uu ku kasbado iyadoo loo hiillinayo.

Haddaba intan oo arrimood waxay bulshada illowsan yihiin ninka oggolaaday ee fulintooda suurageliyey inuu ahaa, Madaxweyne Shariif Axmed oo ahaa ninkii isaga keenay una fududeynayey qorshe hawleed walba, isaga oo aan weliba ku taagneyn oo garabtaagna.

Bixiddii Farmaajo iyo bedelkeedi

Is jiid jiid iyo isqabqabsi soo jiitamey kaddib, waxaa kooxdii ka soo horjeeday inuu xilka sii hayo Farmaajo ka gadeen bulshada caalamka, oo biisha soomaaliya iyo dowladdaha ciidamadu ka joogaan inuu xilka banneeyo Farmaajo. Inkastoo dadweynaha iyo siyaasiyiinta qaarkood garab istaageen, haddaba Farmaajo waa u hoggaansamay inuu xilka banneeyo oo iskaga tago.

Farmaajo waxaa la weydiiyey maxaad ku beddelaneysaa? Ma uusan odhan in aan dalkayga joogo, siyaasaddana u tartamo doorashada danbe, nabadgelyadeyda la ilaaliyo bil goosadkaygiina lay siiyo,ee wuxuu dalbaday in la siiyo Laba Milyan (2,000, 000) madaxnimadiisi, dadkii taageersana, hankii iyo himiladii wuxuu ka doortey laba milyan wuxuuna u dhoofey is la markiiba dalkuu ka yimid ee Mareynkanka.

Farmaajo markuu tegay ma loo darsaday?

Aragtida Shariif ayaa ahayd wixii qabsoomaa inay u qabsoomeen, wuxuu mar kale keenay Ra’iisalwasaare Cabdiweli Gaas oo ka tirsanaa xukuumaddii Farmaajo, haddana markuu tegay Farmaajo waxba isma beddelin horumarkii dhinacyada ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha nabad diidaka ah waa sii socdeen, ooe waxaa laga saarey magaalada oo dhan ilaa gobollada qaar. Waxaa la dhisay ciidan xoog leh oo Soomaaliyeed, ilaa ay gaadhay in dalka gudihiisa doorasho ka dhacdo, taasoo uu xitaa isaga oo xil raadinaya ka qaybgalay Farmaajo.

Soomaaliya oo mar labaad sirantay!

Waxaa dhacday waa hore in nin boqor ah nin ka mid ahaa shaqaalihiisu ka codsaday iyagoo socdaal ah inuu maalin qudha u oggolaado inuu boqornimada jillo oo iska dhigo boqorkii saxda ahaa, ka dib boqorkii waa ka oggolaaday wuxuuna yidhi hal ku dheg hirgelay oo ahaa:“ Biddoow anigu ku sheegi maaye, yaan Basarkaa ku sheegin!“ markii boqorkii iyo shaqaalihiisi tageen beeshii ugu horreysay ee la soo dhaweeyey, Boqorkiina dharkii shaqaalaha wato, shaqaalihiina dharkii boqorka, ayaa gacanqaadkii iyo bariidadii horeba uu hardafay ninkii shaqaalaha ahaa, dadku ugama baran habdhaqankaas boqore hoosbaa loo wada guuxay, markii la fadhiisanayeyna, iyadoon lays weydiin ayuu markuu gogoshii arkay habashaq ku yidhi, taasina dareen kale ayay keentay, markii cuntadii la keenayna iyadoon la duceysan ha la af billaabana la odhan ayuu laf la booday, dadkiibaa guuxay sidoo oo kale, waxay la yaabeen ninka dharka shaqaalaha sita hab maamuuskiisa iyo ninka dharka boqorka sita basar xumadiisa, markaasaa la yidhi, labadiinna kiinneebaa ah boqorkii saxda ahaa, halkaas ayuuna ku barriiqday biddihii waxaana sheegtey basarxumadiisa.

Farmaajo waxa uu ku guuleystay 8dii Febraayo sanadkan 2017 jagada ugu sarreysa dalka; madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa si weyn u soo dhaweeyey qaybo badan oo dadweynaha ka mid ah, waxaa loo muujiyey dareen wanaagsan, waa loo duceeyey waana loo dabaaldegay.

Hanashadii xilka iyo hilmaankii bulshada

Farmaajo eraygii ugu horreeyey ee uu ku hadlaa wuxuu noqday mid muujinaya qofka uu yahay, dadkii oo bannaanka u tuban dibad iyo gudo, ayuu yidhi ka dareera waddooyinka oo guryihiina aada, isaga oo aan u mahadcelin isaga oo aan u muujin inuu ku faraxsan yahay taageeradooda, waxaadba mooddeysay markuu hadlayey inuu la hadlayo carruur dugsi quraan barahoodii diinta guryaha u kala dirayo.

Wixii maalintaas ka dambeeyey Farmaajo wuxuu tirtirayey sooyaalkii beenta ahaa ee bulshada uu u sheegay, tallaabo kasta oo uu qaada waxay noqotey mid ka dheeraysa middii uu shalay Madaxdii hore ku dhaliileyey:

1. Socdaalka

2. Xulashada Madaxda

3. Fulinta ballanqaadyada

4. Waxqabadka dalka

5. Garsoorka iyo sinnaanta

6. Sugidda ammaanka

7. Kobcinta dhaqaalaha

8. Bixinta bilgoosadka iyo gunnooyinka

9. Heshiisyada dhagareed

10. Arrimaha siyaasadda gudaha iyo dibadda.

Intanba waxaa ka muuqda hungo iyo habacsanaan badan, maaha mid aan qoraal qudha ku koobi karo, waxaase inoo muuqda maanta in wax hoos u dhacay maahine aan wax tallaabo ah hore loo qaadin 7da Billood waxaana ka mid ah dhacdooyinka soo kordhay:

1. Xigaal ku shaqaaleysiin(Nin jeclaysi)

2. Guulwade ku shaqaaleysiin( I ammaan)

3. Eryidda shaqaale aan waxba dhimin( ima taageersana)

4. Af jigid iyo Aamuusiin(Awood sheegasho)

5. Burburinta maamullada dhisan( Kud ka guur oo qanjo u guur)

6. Kala qoqobka beelaha wada dega( isku dirka cusub)

7. Ku tagrifalka awoodda dowladda( Ardeydii kacaanka)

8. Duqaynta maatida ( Shabaab ku sheegid)

9. Aamusiinta warbaahinta( Dhaqaale ku bixin)

10. Dhiibidda ONLF( Itoobiyaan ka farxin)

Halkii roob laga sugayey ceeryaamaa ka timid. Wubaal in dadweynuhu aysan ahayn dad nugul oo wixii la rabo laga samaysan karo, balse, xaalkooda ayaa ah “Nin bukoo boqol u talisay“ ilaa hadda waxay baadigoob ugu jiraan ninkii badbaadin lahaa, maalin walbana nin gabbaan ah jilicsan iyo mid gurracan ayay guddoonka u dhiibtaan, waa halkuu ka lahaa Abwaan Hadraawi.

· Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye

· Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo’aad tahaye

· Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye

· Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye

· Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda

· Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye

· Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye.

· Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye

· Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe

· Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye

· Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane

· Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo

· Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo

· Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya

· Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho

· Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye

Waxaan qoraalka ku soo gebagebaynaa, bulshada Soomaaliyeed beentii shalay loo sheegay waa kuwaa maantaba ku baraarugey, ee isbeddelka dhabta ahi waa kan ee maaha kii loo mashxaradayey shalayto. Haddii shalay layna lahaa rabitaanka shacabka ayuu ku yimid oo waa loo bannaan baxay, haddaba maanta rabitaanka shacabku waa kan muuqda ee ay diideen ha la tixgeliyo, madaxda dalkuna waa inay dadweynaha waxay rabaan dhegaystaan. Haddii kale yaan lagu awrkacsan rabitaan shacab ee qowlaysatadu hawsheeda hayska wadato horeba shacabku waa u afduubnaaye.

Shalay

[embedded content]

[embedded content]

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

Let’s block ads! (Why?)