Banaan bax looga soo horjeed go’aankii Diyaaraha oo Kismayo ka socdo

Bannaan bixii ugu weynaa abid ayaa ka socda magaalada Kismaayo halkaas oo ay iskugu soo baxeen kumanaan shacab ah oo ka biyo diidsan go,aankii ay qaadatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka Jubbaland oo maanta dhigay bannaan bixii ugu weynaa ayaa DFS ugu baaqay in ay isu soo dhawaansho ka shaqeyso balse aysan ka shaqeynin iska horkeenidda umadda Soomaaliyeed.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay mana jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka jira.

Let’s block ads! (Why?)