Bacaad ayaa Faceey iga Reebay!

Dhawr jeer ayaa la igu Martiqaaday inaan soo booqdo Degmooyinka Cadale iyo Warshiikh laakiin waa ka cudur-daartay, ma jiryo naceyb gaar ah oo aan u qabo Degmooyinkaas, xilli walba oo aan maqlo magaca Cadale & Warshiikh waxaa daris ila soo noqda Niyad-jab aan Daawo laheyn!

Xaqiiqdii Labadaasi Degmo waxay leeyihiin kheyraad gaar ah oo Alle ku manaystay, Taariikh-ahaan waa Degmooyin xadaarad iyo ilbaxnimo fog leh, caan waxay ku yihiin Dalxiiska, soo dhaweynta, Marti soorka, faafinta Diinta, dhawrida dhaqanka iyo Gumaysi Naceybka, dadka ku dhaqan dhulkaasi macruuf waxay ku yihiin Karti, Isku tashi iyo hal-abuurka Shiribka oo ka mid ah suugaanta Soomaalida.

Wax badan ayaa ka leex-leexday tagida dhulkaasi, hase yeeshee Dan waxay i biday inaan wax ka raaco koox Shaqo ugu socotay Degmooyinkaas, abaarihii waa 8:00 Subaxnimo, kolanyadii aan la socday ayaa ka amba baxday Magaalada Muqdisho, baa-buurta aan wadano aad ayaa la iigu ammaanay, Gaadiid aan Bacaadka aqoonin inaan la socdo ayaa la iigu Bishaareeyay!

Hogaamiyaha kooxdii aan la socday ayaa ila wadaagay sheekooyin ku saabsan Aqoonta iyo waaya aragnimada uu u leeyahay waddada aan ku safreyno, saacaddo kooban dabadeed inaan ku Raaxeysan doono Cadale ayuu laabta iigu qaboojiyay, aniga oo la dhacsan hadalkiisa ayaan madaxa u ruxay arintaas.

Cabaar markii aan soconay ayaa ishaydu waxay qabatay dhul Bacaad-Weyne ah oo dhinac kasta innaga xiga, intaan hoos isula hadlayay ayaan maqlay, iyada oo ley dhahayo Duqa soo deg, baabuurtii Bacaad ayay gashayee!

La yaab ayay igu noqotay sida ay wax noqdeen, waxaa iskeey qaban waayay sheekadii Hogaamiyaha kooxdeena ee Saakay iigu faanayay Baabuurtaan Bacaadka ma taqaano iyo sida aan bacaadka u dhex jiifno.

Dani xishood ma leh, kooxdeenii waxaan isu qeybinay nin Badiil carada ku xaarro {qaado}, mid gacmaha carada ku guro, nin dhir soo qaada oo taayarka baabuurka u dhiga, ruux kasta oo nala socday shaqo gaar ah ayuu hayay, “Xaasidoow Xoogga Beel” ayaa hal-heys inoo aheyd, halgan dheer kadib waxaan ku guulaysanay inaan Bacaadkii ka baxno.

Magaca Laba-luuq ayaa la iigu sheegay halkii Koowaad ee aan ku dhiiqanay, illaa iyo Seddex goobood oo kale ayaa sii fariisanay, bacaadkii ugu xumaa waxaan isku herdinay meel la iigu sheegay afaafta hore ee Cadale, qadar ku dhaw labo saacaddood ayaa bacaadkaasi la rafanayay, tallo mar ay faraheena ka baxday. ayaa waxaa gurmad inooga yimid Degmada Cadale.

Waa la iskaashaday, Halku dhiggeenu waxa uu ahaa “Iskaashato ma Kufto, haddey Kuftana waa ka Kacdaa” Ragnimo iyo dadaal dheer oo la sameeyay kadib waxaa lagu najaxay in bacaadkii nagala Xoreeyo si aan socodkeenii horey ugu sii wadano.

Saqdii dhexe ee habeenkii ayaan tagnay magaalada Cadale oo la lahaa dhawr saacadood oo kaliya ayaan ku tagaynaa, Boorka, daalka iyo il xumada naga muuqato ma aha mid la qiyaasi karo, raashinkii inaan ku Qadeyno loo qorsheeyay ayaa Casho na looga soo dhigay, isaga oo la soo kululeeyay!

“Cadale iyo Warshiikh inaan aado waxaan ka jecel ahay inaan Seddex mar u laa-laabto Afgooye ama Buur-hakabo, maxaa yeelay Dgmooyinkaas xeebta dhaca ma laha waddo loo mari karo” ayuu igu yiri Ruug cadaa aan la kulmay markii aan ka soo laabtay safarkii dhibka badnaa.

Madaxda Dawladda dhexe, masuuilyiinta Hirshabelle, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Aqoonyahannada iyo Qurba joogta u dhalatay Degmooyinkaasi wax badan ayaan ka maqlay iyaga oo dhahayo jidka wax halaga qabto laakiin wali ma arag cid arintaasi ka dhabaysay.

Hubaashii inta ay waddadu tahay sida aan soo arkay wallee looma xiisi doono booqashada Degmooyinkaasi!

Shiiqaalow Xassan

Let’s block ads! (Why?)