Baarlamaanka oo ogolaaday in Saxaafadda Goob joog ka noqoto Kulanka Soo socda iyo Xal laga gaaray Buuqii dhacay.

Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay Maagaalada Muqdisho ayaa xal looga gaaray buuqii ka dhashay in Warbaahinta laga mamnuuco kulamada Golaha Shacbaka,iyada oo la isku raacay in la ilaaliyo nidaamka u yaalla Golaha Shacabka, maadaama labadii maalin ee ugu dambeeyay uu muran ka dhashay arintaasi.

Afar qodob oo waa weyn ayaa la isku afgartay, kuwaasi oo qaarkood taabanaya Warbaahinta Madaxa Banaan ee Ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1: In kulanka ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka la qabto Maalinta Sabtida ah ee soo socota,isla markaana xildhibaanada la xiriira dhinaca amniga laga dhageysto, iyada oo Wariyeyaasha ay goobjoog ka noqon doonaan.

2:-In Maalinta xigta ee Axada ah in laamaha Amniga ay baarlamaanka hortagaan waxna laga weeydiiyo arrimaha amniga,iyada oo Saxaafada ay banaanka ka joogto.

3: In Wariyeyaasha tagaya golaha Shacabka ay Soo xirtaan jaakado ay ka muuqato Warbaahinta ay ka socdaan calaamadahooda iyo magacyadooda.

4: In saxaafada lasiiyo kaarar aqoonsi ah inta ay Golaha ku sugan yihiin,isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda u yaalla Baarlamaanka dalka.

Arintan ayaa u muuqata in xal laga gaaray buuqii iyo doodii ka dhalatay kulankii Golaha Shacabka ee looga doodi lahaa arrimaha amniga kaas oo Xildhibaanada ay isku khilaafeen arrimo la xiriira inay Saxaafada banaanka ka joogto.

Let’s block ads! (Why?)