Baarlamaanka Hirshabeelle oo kulan deg deg ah yeeshay

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay warar maalmihii dambe soo baxayay oo sheegayay in Baarlamaanka uu wado qorshe wax looga bedelayo Dastuurka maamulka Hirshabeelle iyo buuxinta booska ka banaan Baarlamaanka, maadaama xildhibaan Aadan Macalin uu booskaasi ka geeryooday.

Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo kulanka kadib warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax ka bedelid ay ku sameynayaan Dastuurka Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa isku raacay Deeqo Aadan Macalin oo ah gabar uu dhalay xildhibaankii dhintay in ay buuxiso booska aabaheed oo banaanaa, waxaana isla maanta lagu hor dhaariyay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

Dhinaca kale qaar ka tirsan xildhibaanada Hirshabeelle ayaa soo dhaweyn u muujiyay xildhibaanada cusub ee bedeleysa Marxuum Aadan Macalin oo dhowaan ku geeryooday magaalada Jowhar.

Let’s block ads! (Why?)