Axsaabta siyaasada dalka oo dood culus ka yeeshay doorashada sanadka 2020-2021

Shirkan Oo Ay Kasoo Qeyb Galeen Gudoomiyayayaasha Xisbiyada Siyaasada Dalka Iyo Qaarkamid Wakiilo Ka Socday Xisbiyada Ayaa Waxa Uu Ka Dhacday Xarunta Xisbiga Shacabka ee Magaalada Muqdisho Iyadoona Looga Dooday Hanaanka Siyaasadeed Ee Xukuumada Waqtigan Iyo Sida Aysan U Dhiira Gelinay Doorasho Dalka Ka Dhacda 2020-2021 ayaa Waxa Ya Xisbiyada hoosta Ka Xariiqeen In Ay Lagama Maarmaan Tahay In Ay Xukuumada Waqtigan Fuliso Wixii Loo Idmaday Oo Ahaa Doorasho Qof Iyo Cod Ah.
Xisbiyada AYaa Cadeeyay Dhaliil Weyna Ka Soo Jeedyay Xeerka Doorashooyinka AY Xukuumada U Gudbisay Baarlamaanka Xeerkaas Oo Ay Xisbiyadu Ku Tilmaameen Mid Aan Loo Nisbeyn Karin Doorasho Xor Ah Loona Simanyahay oo Dalka Ka Dhacda.

Sidaas Darteen Waxay Xisbiyada Ka Digeen Una Soo Jeediyeen Xukuumada Waqtigan In Ay Gacan Bidixeeyaan HooshiiLoo Idmaday Oo Ay Shacabka Ka Sugayeen Kuna Hamiyaan Damac Aan Suurta Gal aheyn In Axzaabta SIyaasada Dalka Ay Maanta U Hogaamsamaa.

Xisbiyada AYaa Sheegay In Ay La Wadaagi Doonaan Aragtidooda Dowladaha Daneeya Arimaha Soomaaliya Islamarkaana Waxay Gudiga Barlamaanka u Qabtay Xeerka doorashooyinka Usoo jeediyeen In Ay Si Deg Deg Ah U Soo Diyaariyaan Xeerka Doorashooyinka Qaranka lana Wadaagaan Xisbiyada Siyaasada ka Hor Inta Ay Baarlamaana Geeynin.

Sidoo Kale Xisbiyada ayaa ugu baaqay gudiga Madaxa Banaan ee doorashada In Ay Bilaabaan Wacyigelinta Bulshada Iyo Diiwaan Geinta Codbixiyaha Iyagoo Madax Banaan Oo Aan Cidna Amar Ka Sugin Maadaama Ay Yihiin Hay’ad Dastuuri Ah Oo Madaxbanaan.

Ugu Dambeyntii Ayaa Xisbiyada Siyaasada Dalka Waxa Ay U Balabeen Kulan Kale Oo Ay Ku Falaanqeyn Doonaan Xeerkaani Haatan Ay Gacanta Ku Hayaan Gudiga Uu Baarlamaanka U Xilsaaray.

Let’s block ads! (Why?)