Asaasaha Weklakes oo xabsiga la dhigay (Waa maxay sababta?)

Julian Assange oo ah ninkii aas aasay majalada siraha culus ee la soo dusiyo daabacda ayaa maanta lagu xiray London kadib markii uu mudo 7 sano ah uu magangalyo ugu jiray safaarada dalka Ecuador ee London.

Xoghayaha arimaha gudaha Britian ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay xarigan isaga sheegay in sharciga aanu qofna ka sareyn.

Waxaa la arkayay Mr Julian oo gadhku ku baxay kaas oo baliiska ay xoog kaga soo saareen dhismaha safaarada waxayna ku rideen gaariga baliiska isaga oo ku qeylinaya Britian Waa in ay iska diidaa sidan.

Madaxweynaha dalka Ecuador ayaa sheegay in ay laaleen magangalyadii ay siiyeen Julian kadib markii uu ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah.

Mr Julian ayaa waxaa doonaya dalka Sweden halkaas oo loogu heysto danbiyo galmo la xiriira.

Mohamed Dhoore

Let’s block ads! (Why?)