Arsenal oo 2-0 Ku Garaacday Chelsea iyo Alexandre Lacazette & Laurent Koscielny oo labada Gool dhaliyay.+Sawirro

Kooxda Arsenal ayaa guul dahabi ah garoonkeeda kaga gaartay kooxda ay magaalada London ka wada dhisan yihiin ee Chelsea, iyadoo Gunners guushan muhiimka ah ku hogaamiyay Lacazette iyo Laurent Koscielny oo qaybtii hore ee kulankan min hal gool dhaliyay.

Arsenal ayaa wadadii guusha ku soo laabatay waxayna ka soo kabsatay guuldaradii West Ham ka soo gaartay todobaadkii hore,iyada oo Gunners sare u soo qaaday rajadeeda kaalinta afraad ee Premier league.

Kooxda Arsenal ayaa yeelatay 44 dhibcood waxayna wali isku dhibco yihiin Man United oo iyaduna guul ka gaartay kooxda Brighton.

Arsenal ayaa hadda heshay guul ay kalsoonida kooxdeeda dib ugu soo celin karto iyada oo waliba saddex dhibcood oo kaliya u soo jirsatay Chelsea oo kaalinta afraad ku jirta waxayna Gunners heshay fursad ay dagaalka kooxdeeda ee kaalmaha sare ku sii xoojisay.

Arsenal ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee dhibaatada wayn ku noqday Chelsea kadib markii uu Lacazette awooday inuu dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay difaaca midig ee Hector Bellerin wuxuuna Lacazette ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Gunners si qurux badan ciyaarta ugu bilaabtay.

Daqiiqadii 39 aad Arsenal ayaa jamaahiirta kooxdeeda Emirates Stadium qaab qiiro ah ku riday kadib markii uu difaaca dhexe ee Koscielny uu awooday in uu dhaliyo goolka Blues wadnaha sii gooyay ee labaad waxaana caawinta goolkan sameeyay Sokratis waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Arsenal ku heshay goolka labaad ee kalsoonida.

Kooxda Chelsea ayaan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigin Emarites Stadium qaybtii hore ee kulankan laakiin daqiiqadii 45 aad Blues ayaa ugu dhawaatay in ay shaqa Gunners gaadho kadib markii uu Marcos Alonso birta u garaacay Arsenal waxayna kooxda Sarri la kulantay nasiib daro ay iskaga soo yarayn kartay goolasha laga dhaliyay.

Dhanka kale wax walba oo ay Chelsea iskugu dayday inay goolal keensato ayaa noqday fashil waxayna ugu dambayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Arsenal ku garaacday kooxda Sarri iyada oo waliba Gunners saddex dhibcood u soo jirsatay kaalinta afraad ee Blues ku jirto.

Let’s block ads! (Why?)