Ammaanka Magaalada Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ammaanka Magaaladaasi si weyn loo adkeeyay .

Ciidamada isugu jira Kenyaan iyo Soomaali ayaa la geeyay Duleedyada iyo Kontoroolada laga soo galo Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay baaritaan ka waddaan Gudaha Magaalada.

Dadka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xataa ay saakay xiran yihiin Ganacsiyadda ka agdhow Madaxtooyadda Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la sheegay in Golahiisa Wasiirada uu ku wargeliyay in ay isku diyaariyaan safar ay ugu ambabaxayaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu qaban doono shirka Golaha Wasiirada todobaadkan.

Wafdi ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u ambabixi doona magaalada Kismaayo, iyada oo magaalada laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga.

Posted by
on Jul 11 2017. Filed under Wararka .
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 .
You can leave a response or trackback to this entry

Let’s block ads! (Why?)