Ammaanka Garoomada diyaaradaha ee Maamulka Puntland oo si aad ah loo adkeeyay.

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo dheeraad ah la geeyay Garoomadda Diyaaradaha ee maamulka Puntland si looga hortaggo in lacago lagu galo doorashadda laga soo dejiyo Garoomadaasi.

Maamulka Puntland ayaa ka cabsi qabta in dhaqaallo lagu bixiyo doorashadda maamulkaaasi ee ka dhacaysa 8-da Bisha soo socota Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Ciidamada ayaa si aad ah u adkeeyay Garoomada,waxaana hadda socda Baaritaano ku aadan shaqsiyaadka doonaya xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland, waxaana lagu amray Ciidamada inay hubiyaan dhaqdhaqaaqyadda Garoomadda iyo waliba dadka ka soo degaya.

Dhanka kale 30-Musharax ayaa ku sugan Magalada Garowe, waxaana qaarkood la sheegay inay taageero ka helayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Let’s block ads! (Why?)