Al-shabab oo sheegay in ay la dagaallamayaan Turkiga

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Ciidanka Turkiga ee jooga Soomaaliya ay dagaal ku soo qaadeen Soomaaliya islamarkaana ay la dagaallamayaan.

Afhayeenka dhinaca howlgallada Al-shabaab C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Askarta Turkiga ah aysan Al-shabaab uga duwaneyn kuwa Uganda,Itoobiya iyo Kenya ee ku jira howlgalka AMISOM.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Turkiga ay xubin ka tahay Isbaheysiga NATO ee uu Mareykanka hoggaamiyo islamarkaana ay duullaan ku soo qaadday Soomaaliya.

Abuu Muscad ayaa sheegay in ay Ciidamada Turkiga ula dagaallamayaan sida ay ula dagaallamaan kuwa AMISOM ka socda ee jooga Dalka.

Waxaa uu guul ka sheegtay duqeyn shalay ka dhacday Saldhigga Ciidanka Turkiga ee Muqdisho oo uu sheegay in ay dhowr Madfac gudaha saldhigga ku dhufteen.

Saraakiil ka mid ah Somalida ku sugan saldhigga Turkiga ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in aysan jirin khasaare ka dhashay weerarkii shalay.

Let’s block ads! (Why?)