Al Shabaab oo la wareegay deegaanka Baxdo ee Galgaduud

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in Xalay ay gudaha u galeen deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay in gabi ahaan ay soo faarujiyeen deegaankaasi, iyadoona ay si nabdoon ay kula wareegeen Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulkaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in xaalad Ciidan ayuga soo baxeen halkaasi.

Waxaan haatan deegaanka Baxdo ee duleedka Cadaado dhaq dhaqaaqyo ka wada Al Shabaab oo lagu arkayo gudaha iyo daafaha deegaankaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo iska soo hor jeeda laga dareemayay gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Let’s block ads! (Why?)