Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Oo Shaqada laga joojiyay

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/llaahi Xayir Ducaale iyo Agaasimihii Waaxda Ganacsiga C/qaadir Cismaan Maxamed.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Maareeye ayuu kaga hadlay maamul xumo iyo wax is daba marin ka socota Wasaaradda Ganacsiga, isagoo eedeyn culus u jeediyay Agaasimihii Guud ee uu xilka ka qaaday.

Let’s block ads! (Why?)