Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu horrayn ugu hambalyeeyay xilka cusub ee Madaxweynaha JFS u magacaabay.

Kulanka Agaasimaha iyo Duqa Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray howlaha horumarineed ee Gobolka, iyada oo xoogga lasaaray dardargelinta Amniga, arrimaha bulshada iyo dib u dhiska goobaha danta guud.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa Guddoomiyaha cusub u balanqaaday in ay gacan muuqata ka geysanayaan dhammaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada.

“Gobolka Banaadir waxaa ku yaal caasimaddii Ummadda Soomaaliyeed waana muhiim in dhammaanteen aan iska kaashanno soo celinta heybaddii ay Muqdisho ku lahayd caasimadaha dunida”.ayuu yiri Dr Nuur.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo talooyinka muhiimka ah ee agaasinka Madaxtooyada JFS, isaga oo adkeeyay in maamul iyo shacabba ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa caasimad qurxoon oo amni ah.

Let’s block ads! (Why?)