Afartanka kadib Annaga dhan ayaa qosol bilaabayna!

Warsame wuxuu doobnimo ku gaaray da’a kontomeeyo sanooyin badan oo uu guurka ka caaltaagleynayey gu’gii dhawaa ayuu guursday Asli oo uu dhalay Oday adeer ugu aaddanaa.

Sannadba kama soo wareegin markii Asli wiil umushay, goor casar gaar oo Asli wiilkii dhabta ku hayso ayaa waxaa soo galay qolkii Warsame, waa nin wiil da’ wayni loogu dhalay’e wuxuu jeclaan lahaa in uu wiilka ciyaarsiiyo oo uu ka qosliyo.

Laakiin wiilku dhawr casho ayuunbaa jiraa oo qosol iyo ciyaar midna ma awoodo si kasta oo Aabihiis isagu dayo.

Haddii uu cabaar Warsame isku hawlay in uu wiilka ka qosliyo ayaa xaaskiisa inta yaabtay waxay tiri “Warsamow wiilku ma qosli karo ee afartan-baxa ka dib ayuu qosol bilaabayaa”

Hadal kale sidii looga sugayey ayaa Warsame oo wiilka hoos u fiirinaya wuxuu yiri ” Annaga oo dhan baa afartanka ka dib qosol bilaabaynaa”. Tii ka dhacday Hadda!!

WD: Wariye Mowliid Xaaji Cabdi

Let’s block ads! (Why?)