Abdelaziz Bouteflika oo dalka Algeria dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa dalkiisa dib ugu soo laabtay isgoo dawyen ugu maqnaa dalka Swisserland.

Imaanshiyihiisa ayaa ku soo beegmeeysa iyadoo dalka ay ka socdaan dibabaxyo looga soo horjeedo xukuumaddiisa.

Madaxweynaha ayaa xanuunka faaligga la il-darnaa tan iyo sannadkii 2013-kii, wixii markaa ka dambeeyna waxaa aad u yaraa in lagu arko fagaarayaasha.

Madaxweyne Bouteflika ayaa dib ugu soo laabaty dalkisa iyadoo ay ka jirto dhibaato weyn. Waxa uuna haatan wajahayaa caqabaddii ugu weyneyd tan iyo intii loo doortay maadxweynaha dalakaasi 20 sano ka hor.

Qorshihiisa uu ku doonayo in uu markii shanaad ugu tartamo madaxweynaha dalkaasi ayaa waxaa ka dhashay xasilooni darro baahsan.

Dibadbaxyo ka dhan ah go’aanka madaxweynaha ayaa ku baahay waddoyinka waaweyn ee magaalada Algiers, kuwaasi oo curyaamiyay magaalada.

Let’s block ads! (Why?)