Aabe Soomaaliyeed Oo U Mahadceliyay Duqa Muqdisho

Aweys Maxamed Diinle oo ah Aabaha dhalay Marxuum Ibraahim Aweys oo ahaa wiil Bajaajle ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir garab istaaga ay u muujiyeen, kadib geerida ku timid Wiilkiisa.

Aabe Aweys ayaa sheegay in Duqa Muqdisho uu yahay mas’uul dhageysta shacabkiisa, islamarkaana u damqada.

Sidoo kale waxa ugu baaqay hay’adaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan Askarta dhibaatooyinka u geysta dadka rayidka ah, si loo helo nabadgalyo waarta.

Let’s block ads! (Why?)