Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan “ shabaab way jabeen shacabka ayay hada ku dhex dhuumanayaan, Cafis ayaan u Fidinaynaa dhalinyarada la Qalday…

Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG ayaa sheegay in ay jabeen waxa uu ugu yeeray Argagixisada. Sayid aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka ee Howlgalka Dagaal ka wada Gobolada Gedo iyo Jubooyinka ayaa sheegay in ay wadaan abaabulkii ugu danbeeya, waxa uuna sheegay in ay socdaan Howlgaladii lagula dagaalamayay Kooxda AL Shabaab ee kusugan qeybo ka mid ah degmooyinka Goboladaasi. “ shabaab waa jabeen hadana Goboladan aan joogno meelo yar ayay ku jiraan kuwaasna waan ku sii soconaa, waad ogtihiin Baydhabo Hiiraan iyo meelo kale waa laga qabsaday”ayuu yiri Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan. Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in ay ku sii jeedaan saacadaha soo socda Degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxa uuna sheegay in ay hada marayaan howlgaladii Jubooyinka meel fiican. Waxa uu sheegay Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan in ay cafis u fidinayaan waxa uu ugu yeeray kuwa la qalday in ay ka faa’iideystaan cafis. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com

15638 full so Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan “ shabaab way jabeen shacabka ayay hada ku dhex dhuumanayaan, Cafis ayaan u Fidinaynaa dhalinyarada la Qalday…

See original article:
Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan “ shabaab way jabeen shacabka ayay hada ku dhex dhuumanayaan, Cafis ayaan u Fidinaynaa dhalinyarada la Qalday…

Posted by gubta on Feb 24 2012. Filed under Main News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in