Wararkii Ugu danbeye Dilkii Sargaalka Al-qaacida’Dowlada Dishay oo aan helnay

Sida oo usheegay wakaalada wararka AFP Afhayeenka Howl galada Cidamada Milateriga ee Kenya oo daqiiqadihii ugu danbeeye lahadlay waxaana oo kahadlay Duqeyntii saake aroortii hore lagu dilay sargaal katirsan Alqaacida kasoo gantaal lagu dilay Gobolka Shabeelle Hoose. “Weerarkani ma noqon doono midkii ugu dambeeyay waan sii wadi doonaa weerarada cirka ah ee aan ku beegsaneyno xubnaha Al-Shabaab” ayuu sii raaciyey Cyrus Oguna. Col. Cyrus Oguna ayaa cadeeyey in diyaarad nooca militariga ah ay fulisay weerarka isagoo sheegay in ka hor weerarka ay jireen warar sirdoon ah oo ay ka heleen dhaqdhaqaaqa nimankan. Faahfaahin soo baxaysa. Weerarkan duqeynta ah ayaa sida dad deegaanka xaqiijiyeen waxaa ku naf waayey afar xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, waxaana warar maanta soo baxay ay sheegayaan in afartaasi nin ay ku jireen labo nin oo mid yahay Kenyaan ka barbar dagaalamayey Al-Shabaab iyo sarkaal Al-Qaacida ka tirsan oo dhalashadiisu tahay Masaari. Saraakiishan ayaa la socday baabuur noociisu yahay Landcruiser SUFR waxayna ku safrayeen meel u dhexeysa KM-60 iyo garoonka diyaaradaha ee KM-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo xalay 3:00 habeenimo diyaarad ay kula heshey gantaal. [Faahfaahin ka akhri halkan Illaa hadda danka Al-Shabaab kama soo bixin wax war ah oo duqeyntan ku saabsan, inkastoo gobolka aad looga hadalhayo. Duqeymaha cirka ee lagu beegsado saraakiisha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida waxaa horey looga bartay diyaaradaha Mareykanka, hase yeeshee Kenya ayaa duqeymo cirka ka waday koonfurta Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Oktoobar oo ciidamadeeda ay soop talaabeen soohdinta Soomaaliya.

col.oguna  300x259 Wararkii Ugu danbeye  Dilkii Sargaalka Al qaacida’Dowlada Dishay oo aan helnay

View original post here:
Wararkii Ugu danbeye Dilkii Sargaalka Al-qaacida’Dowlada Dishay oo aan helnay

Posted by gubta on Feb 24 2012. Filed under Main News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in