Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay wadamo keenayo Ciidamo Uganda, Burundi, Jabuuti, Sirloin iyo Kenya..
Taliska Ciidamada AMISOM ayaa shaaciyay Ciidamo dhawaan imaan doona magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro alshabaab oo maalmo ka hor shaaciyay in ay la Midoobeen al-qaacida. Janaraal Fred Mugisha ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad ah lagu soo kor dhin doono Ciidamada amisom ee jooga Soomaaliya, oo la gaarsiin doono 17,731 askari si ay u gutaan waajibaadka horyaala oo ay qeyb ka tahay xaqiijinta amaanka dalka Soomaaliya. Wadamada ay ka imaanayaan Ciidamadaas ayuu ku sheegay Uganda, Burundi, Jabuuti, Sirloin iyo Kenya, marka laga reebo Sirloin inta kale waxay ka dagaalamaan Soomaaliya iyo Gobolada Soomaaliya sida Jubbooyinka oo ay ka dagaalamaan Ciidamada Kenya. Taliyaha AMISOM ayaa waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ee lagu kordhinayo howlgalka Soomaaliya ay la shaqeyn doonaan ciidamada DKMG si Soomaaliya ay ula mid noqoto Aduunka intiisa kale sida uu sheegay. Sidoo kale hadalkan ayaa imaanaya Xili Q.midoobay ay maalmo ka hor sheegtay in Ciidamada Jooga Soomaaliya la gaarsiiyo 17,731 askari si ay u gutaan ama ay ula dagaalamaan Al-qaacida. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com

View the original here:
Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay wadamo keenayo Ciidamo Uganda, Burundi, Jabuuti, Sirloin iyo Kenya..






