Qilaaf hareyay wadahadaladii kooxaha yurub iyo ururka FIFA
Number of View: 1 NYON, Switzerland (CIYAARO)—Ururka ay leeyihiin kooxaha kubadda cagta ee yurub European club Association ayaa ku gacan seyray in ay aqbalan casumaad ay u soo dirtay FIFA taasoo ah in ay yeeshan wadahadalo lagu sameynayo jadwal cusub oo dhanka ciyaaraha caalamiga ah. Diidmadaan cusub waxey sii holcineysaa xiriirkii u dhaxeeyay kooxaha kubadda cagta ee yurub iyo ururka maamula kubadda cagta aduunka ee FIFA oo markii horeba aan caga badan ku taagneyn. FIFA ayaa kooxaha yurub waxey u dirtay cusumaad ah in ay kulmaan 5ta bisha March oo ay isku arkaan magaalada Zurich si loo dhameeyo qilaafka la xariira qaabka iyo xilli ay fasaxayaan kooxahaasi ciyaartoyda u ciyaarta marka ay leeyihiin ciyaaraha caalamiga ah gaar ahaan sanadaha 2015 ilaa 2022 oo loo diyaargaroobaayo tartanka koobka aduunka ee lagu qabanayo Qatar. Ururka kooxaha yurub oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 200 oo kooxood ayaa ninka madaxda u ah oo la yiraah Karl-Heinz Rummenigge iyo xoghayihiin guud Michele Centenaro waxey diidmo qayaxan ka hor geeyeen aqbalaada codsiga FIFA . FIFA waxey dooneyso in ciyaaro badan oo caalami ah la ciyaaro isla markaana kooxahaasi ay fasaxaan ciyaartoyda xulalkooda aadaya marka ay ciyaaraha caalamiga ah leeyihiin, laakiin ururka kooxaha yurub waxey ku doodayaan in FIFA ay damaanad qaado mushaarka ciyaartoy walba oo ku dhaawacma isagoo xulkiisa u ciyaaraya. Kooxaha yurub waxaa u qorsheysan in ay soo bandhigaan jadwal iyaga u gaar ah oo xagga ciyaaraha ah oo ay soo diyaarsadeen kaasoo ay soo bandhigi doonaan 27-28 bishaan Feb. marka ay ku kulmaan Warsaw, oo ah xarunta Poland. Sunni Said Salah
See more here:
Qilaaf hareyay wadahadaladii kooxaha yurub iyo ururka FIFA






